MAQAAL: PUNTLAND TARAHEEDU INUU AHAADO TABTAAS YAA TIIR-DHEXAAD U AH?

PUNTLAND TARAHEEDU INUU AHAADO TABTAAS YAA TIIR-DHEXAAD U AH?

Bismilaah

Degaanadda Puntland waxaa beryahaan aad usoo xoogeystey eeda loo jeedinayo reerka layiraahso Maxamuud Saleebaan (MS) oo rag beeshaas ku abtirsadaa ay isaga dambeeyeen xilka Madaxweynaha iyo xukunka Puntland ilaa iyo xiligii la yagleelay oo hilaadii ku beeegan mudo haatan laga joogo 21 sano. Hadaba akhriste si aad uga bogato jawaabta dulucda su’aasha korkuxusan, waxaan dib u yara milicsan doonaa si guud-mara geedi-socodkii siyaasadeed ee Puntland soo martay ilaa iyo xiligii dhidibada loo taagey Maamulkaas. Si aad u hesho jawaab waafiya waxaan diiradda saaraynaa doorka ay”Taraha” ku leeyihiin Reer Sool, Reer Maakhir Iyo Reer Bari.

1998 dii waxaa bulshada degta degaanda Bari, Nugaal, Wooqooyiga Mudug, Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle ku heshiiyeen inay dhistaan maamul waxyna u usoo xuleen ergo howshaas kamira dhalisa. Nasiib-wanaag waxaa lagu guulestey in ladhiso Maamul loogu wan-qalay Puntland oo ah magac ka turjumaaya dhulkii uduga.

Hadaba markii lasoo gaaray in Madaxweyne la doorto waxaa xilkaas danaynayey AHN dhamaantoode Gaashaanle sare Cabdulaahi Yusuf Axmed, Jenraal Maxamed Abshir Haamaan iyo Cabdullahi Boqor muuse oo markii dame noqday Boqor. Inkastoo dood badani ka timi habkii doorashada ayna dhaliileen habraaca iyo qaabkii ay u socotey nidaamkii doorashadu sidaasna tartankii uga haray (Maxamd Abshir iyo Cabdulaahi Boqor Muuse) oo iyagu isku aragti dhowaa. Iskusoo wada duuboo waxaa ergedii ay xilkii madaxweynaha u doorteen Cabdulaahi Yuusuf mudo sadex sano ah. AHN Cabdulaahi yuusuf wuxuu garab lama ilaawaana ka helay ergadii reer Sool taas ayaana u quus-goysey ragii la loolamayey. Qodobkaan “Gunud”.

Markii lasoo gaarey gabagabadii muda xileedkiisa Cabdulaahi waxaa u muuqatay inuu xilka kororsado wixii doonaaba ha sababeene. Arinkaasi wuxuu kalifay in Isimadii marjaca u ahaa Puntland ay ka horyimaadaan isku daygaas taasoo aakhirkii sababtay gacan-kahadal iyo Cabdulaahi iskaga huleelo Garoowe oo ah Caasimada Puntland. Waxaa 2001 dii dib loosoo unkay ergo kale oo soo doorata madaweynihii labaad ee Puntland waxaana markaan loolanka ugu dameeyaa dhexmaray Gaashaale Sare Jaamac Cali Jaamac iyo Muuse xaaji Abees oo kasoo jeedey deegaanka “Qandala” waxaana xilkii ku guuleystey Jaamac Cali Jaamac oo isna garab lama ilaawaana ka helay ergadii reer sool. Qodobkaana “Gunud”

Maamulkii Jaamac Cali Jaamac waxaa hareeyey qalalaase siyaaseed taasina waxay marlabaad fursad siisay in (2002) xilkii Madaxweynaha uu dib-u-hanto Cabdulaahi yuusuf oo muda gaaban dabeed (2004) noqday Madaxweyneha Dowladda Federaalaka Soomaaliya. Waxaa xilkii Madaxweynaha Puntland lawareegey madaxweyni kuxigeenkiisii Maxamed Cabdi Xaashi. Madaweyne Xaashi wuxuu durbadiiba agaasimey sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho.

Markii doorashadii (2005) tii qabsoontay waxaa wareeegii labaad usoo gudbey Madaxweyne Xaashi, Jeneraal Cade iyo Cabdirixmaan Faroole. Madaxweyne xaashi wuxuu wareegii kowaadba helay cocod gaaraya 29 halka Jenraal Cade uu helay 18 cod. Codadka uu jenraal cade helay waxaa lafdhabar u ahaa reer Maakhir iyo reer Bariga barkiis. Qodobkaana “Gunud”

Iskusoo wada duuboo doorashadii waxa guushii ku raacday Jeneraal Cade Muuse oo isagu wareegii sadexaad helay 35 cod. Halka Madaxweyne xaashi ay guushii ku seegtay 3 cod oo qura kadib markii xildhibaanadii reer Sool ay badankoodu u codeeyeen Jenraal cade walow uu Madaxweyne xaashi kasoo jeedey Gobolka Sool. Qodobkaana “gunud” .

Waxaa xigtey doorashadii (2009) loolanka ugu adagna wuxuu markaan u dhexeeyaa Jeneraal Ilka Jiir iyo Cabdirixmaan Faroole. Doorashadaan reer Maakhir waxay muujiyeen isku-duubni iyo dadaal dheeriya si ay u hantaan kursiga ugu sareeya Puntland. Si ay hadafkaas u gaaraana xataa waxay ka tanaasuleen inay isusoo taagaan kursigii Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo qayb ahaan loogu sunto. Laakiin nasiib daro Jenraal ilka Jiir garab kama helin dadkii ay ood wadaagka ka ahayeen dhanka wooqooyi. Waxaana guushii si fudud ku raacday Cabdirixmaan faroole oo noqday Madaxweynahii Puntland ee xiligaas kadib markii uu hantay quluubta xildhibaanda reer sool. Qodobkaana “gunud”.

Waxaa xigtey doorashadii (2014) waxaana ugu cadcad xiligaan Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole iyo Cabdweli Gaas waxaana guushii raacday Gaas oo sidas ku noqday Madaeynaha Puntland. Laakiin waxaa jirey Musharax kasoo jeeday deeganka “Qandala” oo aan dabyar shideyn xiligii ololaha doorashada (Shire Xaaji Faarax) oo lagu tirinaayey inuu noqon doono ugu yaraan ninka labaad ama sadexaad hadaanuba ku guulaysan xilka Madaxweynaha laakiin taasi ma dhicin kadib markuu garab ka waayey Reer Bari, Reer Maakhir iyo Reer Sool. Qodobkaana “Gunud”

Waxaa xigtey doorashadii (2019) Markaan waxa loolamaya rag tira badan laakiin waxaan diirada saaraynaa (Faarax Cali-Shire) oo kasoo jeeda deegaanka “Qandala” horay usoo noqday Wasiirkii Maaliyadda ee xiligii Faroole ahaana nin si sharaf leh xilkiisa u gutey bulshada dhexdeedana ka kasbaday magac iyo maamuus. Dadbadani waxay saadaalinayeen inuu Faarax ku guulaysan doono xilka Madaxweynaha iyagoo ka qiyaas qaadanya xiriirka wanaagsan ee uu la lahaa siyaasiyiinta guud ahaan gaar ahaan kuwa Reer Sool, Maakhir iyo Bari.

Laakiin taasi ma dhicin mana rumoobin riyadii uu filaayey inkasta oo uu noqday ninkii sadexaad oo usoo gudba wareega labaad. Sidaasna waxay guushii ku raacday Siciid Cabdulaahi Deni oo noqday madaweynaha Puntland kadib markii uu ka guulaystey Jenraal Asad Cismaan Diyaano oo isagu garab lama ilaawana ka helay xildhibaanada Reer Sool. Qodobkaana “Gunud”

Akhriste waxaa kaloo muhiima in hoosta laga xariiqo Baarlamaanka Puntland wuxuu ka kooban yahay 66 xildhibaan waxayna Beesha (MS) oo ay kasoo jeedaan Madaxweynayaasha la doortay ku leedahay 12 xildhibaan.

Sidaa daraadeed waxaa laga yaaba akhriste inay qoraalka kaaga soo dhexbaxdo su’aal ah: hadayba 12 xubnood oo qura ku leeyihiin Baarlamaanka sideebay ku dhacday inay marwalba ku guuleystaan xilka Madaxweynaha?

Meelfog haka doonin siyaasiyiintoodu waxay ku dadaalaan inaan kursigaasi meel kale aadin inta uu umada dhexyaal. Kii fursad waayaaba kan kaloo ay hayb hoosaadka wadaagaan ama isku aragtida yihiin ayuu bari-taaraa. Ileyn dadku xabiib isuma wada ahee ninka xataa saluuga kan markaas meesha ugu cadcad afkiisuu xirtaa si aan beri looga hor iman. Way dhacdaa inay isku qabsadaan xilka hadaan cidi tarixin laakiin badanaa ma dhacdo nin beeshaasa oo diyaar u ah inuu kursigu dhaafiyo (MS) hadaad aragtana waa mid anbad ah oon wax saamyna lahayn. Taa iga gunud.

Dhaqankaan isu tanaasulka ku dhisan waxaan ku macneeyey “Cadka aanan cuni karin ciid ku daadin maayee hay cuno walaalkay”. Runtii dhaqankaani ma aha mid laga heli karo bulshda kale ee reer Puntland. Xataa kuwa (MS) hayb ahaan dad ugu xigaa dhaqankaan ma leh iskabanadaa kuwani inay is taageeraan isuna tanaasulaane waxay maal, maskax iyo muruqba ku bixiyaan siday kan lahaybta ah meesha uga saari lahaayeen. Kolka hadaad maqli jirtey “Xeer-Ciise” xeer-siyaasadeedka (MS) na ku darso.

Hadaba akhriste adoo tixraacaya sooyaalka taariikheed ee siyaaadaa 21 jirsetey ee Puntland, adaa lagaa rabaa inaad ka jawaabto su’aasha aan ciwaanka uga dhigay maqaalkan.

FG: Maqaalkan waxaan uga goleeyahay oo qura inuu u noqdo tixraac-taariikheed kooban oo iftiimiya ruuxii aan xog badan kahayn sida ay ku yimaadaan Madaweynayaasha Puntland laakiin maqla uun reer hebel baa isu-dhiidhiiba xukunka.

Waxaan kusoo gabagabaynayaa

Iyagoon buntukhiyo
Baroon kula dhicin
Idinkaa boqra’oo
Codkana bixiyee
Oo bulshayahay
Hadana baasaystee
Maxay bi’iyeen
Boowayaashey?

Wa bilaahi towfiiq.

W/Q Faysal Siciid dheere

Email: ludacad11@gmail.com

 

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author