Akhriso habraaca doorashada guddoomiyaha Baarlamanka Puntland

09 Nov 2019 (Puntlandes) Guddiga doorashada guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta shaaciyay habraaca iyo shuruudaha doorashada oo sida qorshaysan la qaban doono Khamiista soo socota.

Sida ku qoran habraaca guddiga, musharrax kasta waxaa laga doonaya in uu soo gudbiyo qoraal codsiya iyo laba sawir oo uu ku soo lifaaqay nuqul kamid ah taariikh-nololeedkiisa, si loo diiwaan-geliyo, looguna aqoonsado musharrax u tartamaya doorashada guddoomiyaha Baarlamanka.

Diiwaan-gelinta musharrixiinta, ayaa ka bilaabanaysa maalinta berriya oo ku beegan 10-ka bishan November, waxaana ay socon doontaa mudda saddex maalmood ah, iyadoo  ku eg 13-ka bisha oo ku began maalinta Arbacada ah.

Guddigu waxay sheegeen in musharrax kasta laga saxiixi doono warqad caddaynaysa in uu aqbali doono natiijada doorashada, iyadoo qofkii saxiixi waaya loo aqoonsan doono in uu ka tanaasulay tartanka doorashada.


Puntlandes.com

About The Author