Daawo muuqaal Dhoobo oo sheegay inay Puntland u baahan tahay

09 Nov 2019 (Puntlandes) Guddoomiyihi xilka laga qaaday ee Baarlamanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed oo warbaahinta kula hadlay degmada Xiingalool ee gobolka Haylaan, ayaa mar kale ku celiyay in uu weli yahay guddoomiyaha sharciga ah ee golaha Wakiilada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu mas’uuliyadda dhibaatadii ka dhacday Garowe ee dadka lagu laayay dusha ka saaray xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne Deni oo sida uu sheegay baalmartay shuruucdii iyo xeerarkii Puntland u degsanaa, islamarkaana awood ciidan u isticmaashay hay’adda xeer-dejinta.

Guddoomiye Dhoobo, waxa kale oo uu  bulshada gobolka Sanaag ugu baaqay in ay shir deg deg ah isugu yimaadaan, si ay uga wada-tashadaan arrimaha soo kordhay, dabadeedna ay mowqif midaysan uga qaataan.


Puntlandes.com

About The Author