Wafdi ay hogaaminayeen Sheikh Shariif iyo Xassan Sheekh oo lagu xannibay garoonka diyaaradaha muqdisho

10 Nov 2019 (Puntlandes) Wafdi ballaraana oo ay hogaaminayeen madaxweynayaashii hore ee dalka Sheikh Shariif iyo Xassan Sheekh ayaa saaka saacado lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaddib markii maamulka Garoonka uu amray in aysan halkaasi ka dhoofi karin wefdiga oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madasha Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho oo uu hoggaaminayo Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa  ayaa todobaadki hore ku dhawaaqay in ay gurmadka fatahaada Beledweyne ugu deeqeen  lacag dhan $200,000 oo dollar, si ay ugu caawiyaan dadka ku waxyeelloobay fahataadda.

Saacado kadib ayaa loo ogolaaday inay u safraan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay u wadeen mucaawinada ay ugu deeqeen Madasha Xisbiyada Qaran.

Puntlandes.com

About The Author