Diyaaradii siday Madaxweynayaashii hore oo ugu dambayn ka degtay Beledweyne

10 Nov 2019 (Puntlandes) Diyaaraddii siday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay hoggaaminayeen wafdi ka socda Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka degtay magaalada Beledweyne.

Goor sii horeysay ayaa diyaaradda waxay ku sigatay in lagu celiyo Muqdisho, kaddib markii lagu wargeliyay in aanay soo degi karin.

Duuliyaha diyaaradda ayaa la sheegay in kooxda raadaarka ee hagta diyaaradaha ku wargeliyeen in diyaaradda soo degi karin, arrimo la xiriira roobab magaalada ka da’ay, isla markaana dib ugu celiyo diyaarada Muqdisho.

Hase ahaatee Madaxdii hore ee dalka oo diyaaradda saarnaa ayaa diiday in diyaaradooda dib loogu celiyo Muqdisho, arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana markii diyaaradda dib u laabatay uu duuliyaha ku qasbanayaaday inuu hadana laabto oo uu ka dego garoonka Beledweyne.

Wariye ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegaya intii diyaaradda ay saarnaayeen Madaxweynayaashii hore ku jirtay hawada Beledweyne ay soo degtay diyaarad xamuul ah, isla markaana uu u maleynayo sababta loo celinayay inay aheyd arrin kale.

“Diyaaradda siday Madaxweynayaashii hore, inta aysan degin ayay qolada hagta raadaarka ku wargeliyeen in aysan degi karin, roobab ka da’ay magaalada, markii diyaarada kala wareegtay oo ku dhowaad nusa saac maqneyd ayay hadana dib u soo laabatay duuliyaha diyaaradda wuxuu ku adkeystay inuu diyaarada dejiyo, waxaa u maleynayaa inuu hagid la’aan uu diyaaradda dejiyay duuliyaha, iyadoo diyaarad xamuul oo ka horeysay diyaaradooda ay caadi u soo degtay”ayuu yiri Wariye ka tirsan Wariyeyaasha ka howlgala Beledweyne.

Goor sii horeysay waxaa jirtay in muddo saacado ah lagu xayiray wafdiga ay la socdeen Madaxweyanyaashii hore, isla markaana lagu amray in aanay diyaaradooda garoonka ka dhoofi karin, iyadoo maamulka Saadaasha Hawada ku andacoonayo in diyaarada aanay ka degi karin Beledweyne, maadaama roobab ay ka da’een.

Puntlandes.com

About The Author