Sawirro: Gudoomiye Dhoobo “Puntland waxay hada gaartay in magaaladii dadka u dhaxaysay la kala sheegto” (Muuqaal)

10 Nov 2019 (Puntlandes) Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen Xildhibaanada inay xilka ka qaadeen laakiin isagu ku adkaysanaya inay ahayd sifo sharci daro ah uuna wali yahay Gudoomiyaha sharciga ah ee Baarlaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-daareed) ayaa maanta kullan la yeeshay dadweynaha magaalada Xingalool.

Kullanka oo uu ka hadlay gudoomiye Dhoobo ayuu aad ugu dhaliilay dawladda uu madaxweynaha ka yahay Siciid Cabdulaahi Deni oo ay garwadeen u tahay ama maamusho kooxda AARAN JAAN.

Dhoobo oo ka hadlaya meesha ay aaran Jaan Puntland maanta gaarsiisay ayaa yiri “Puntland waxay hada gaartay in magaaladii dadka u dhaxaysay, Caaasimadda Garowe), la kala sheegto”

Gudoomiye Dhoobo oo farta ugu fiiqáya shacabka Puntland ayaa yiri “Puntland waxay u baahan tahay in la bad baadiyo lagana dhigo KOOXDA TUURTA ku qaadatay”

Gudoomiye Dhoobo ayaa ugu baaqay shacabka reer Puntland inay u istaagaan sidii ay u badbaadin lahaayeen Puntland oo ay maanta khatar wayn soo foodsaartay.

Gudoomiye Dhoobo oo ka hadlaya inuu yahay gudoomiyaha sharciga ah ayaa ”Anigu sifo sharci ah ayaan ku imid sifo sharci ahna waan ku tegi doonaa, ama waxaan ku tagayaa iyadoo talo Puntland ah la waayey oo markaas goboladaani ay gaar u tashadeen, sidaasna aan kaga tanaasulo ileen iyagfaan ka tirsanahaye…”


Puntlandes.com

About The Author