Daawo Video: Afhayeenka Wadani oo ku eedeeyey xukuumada inay xarunta Xisbiga dul dhigtay Ciidamo aad u faro bada

17 Nov 2019 (Puntlandes) Afhayeenka Wadani oo ku eedeeyey  xukuumada inay xarunta Xisbiga dul dhigtay Ciidamo aad u faro badan.

Afhayeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Barkhad Jaamac Batuun ayaa ku eedeeyey in xukuumada Somaliland ay xarunta Xisbiga dul dhigtay Ciidamo aad u faro badan.

Waxaana uu xukuumada Muuse Biixi ugu baaqay inay si deg deg ah Ciidamada uga dul qaado xarunta Xisbiga.

Afhayeenka ayaa Mayorka Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco  ku eedeeyey inuu qorsheeyey inuu Hargaysa ka bilaabo fawdo, isagoo abaabulay dhalinyaro.

Puntlandes.com

About The Author