Somaliland: Xiisad ka dhalatay mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo ay xukuumadu xirtay, maxaa lagu xiray?

17 Nov 2019 (Puntlandes) Xiisad siyaasadeed ayaa caawa ka aloosan magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, kadib markii ciidamada Booliisku ay xabsiga u taxaabeen mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI.

Booliiska ayaa xabsiga dhigay Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun, sidoo kale ciidanka ayaa ku hareeraysan xarunta xisbigaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Xiisadda siyaasadeed ayaa ka dambaysay hadal uu maanta warbaahinta ka jeediyay guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ( Cirro), kaasi oo taageerayaasha xisbiga ee ku sugan Hargeysa ugu baaqay in ay maalinta berriya dibad-baxyo sameeyaan.

Guddoomiye Cirro ayaa dibadbaxa ku tilmaamay mid lagu badbaadinayo jiritaanka Somaliland, islamarkaana farriin loogu gudbinayo xukuumadda Muuse Biixi. halkan ka daawo.

madaxtooyadda Somailand, mayorka Hargaysa iyo Taliyaha Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi ayaa saacado kadib hadalka guddoomiyaha waxay uu sheegay in aysan aqbali doonin, in taageerayaasha Xisbiga waddani ay maalinta berriya dibadbaxyo ka sameeyaan magaalada Hargeysa, halkan ka daawo.

Xaaladda ayaa caawa kacsan, waxaana sida la sheegayo arrinta uga sii daray xarigga mas’uuliyiinta ka tisran Xisbiga Waddani oo laga cabsi qabo in ay ka dhashaan muddaharaadyo rabshada wata.

Puntlandes.com

About The Author