Taliyihii Ciidamada Nabadsugida gobolka Mudug qeybta Puntland oo la diley

18 Nov 2019 (Puntlandes) Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya  in lagu diley magaalada gaalkacyo taliyihii ciidamada nabadsugida Puntland ee gobolka Mudug Col Xaashi Aadan Cilmi.

Gaashaanle Sare Xaashi Aadan Cilmi oo ahaa Taliyihii  ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland ayaa lagu dilay xaafadda Suuq Barwaaqo ee waqooyiga Gaalkacyo.

Goob-joogayaal ku sugan gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa laga soo xigtay in dilka Taliyahay ay fuliyeen laba nin oo bistoolado ku hubaysan kuwaasi oo goobta isaga cararay.

Malayshiyaadka Alshabaab ayaa qoraal ay ku faafiyeen warbaahinta taageertay waxay ku sheegteen mas’uuliyadda dilka loo gaystay Taliyihii  ah Nabad-sugida iyo Sirdoonka gobolka Mudug ee dowladda Puntland Gaashaanle Sare Xaashi Aadan.

Puntlandes.com

About The Author