Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo sidii shuuciyiinta u dhaqmay “Dhagayso”

0

39

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire ayaa halmar isku badalay in uu u dhaqmo caadadii lagu yaqaanay Shuuciyiinta iyo kaligood taliyayaasha oo ay ka mid yihiin kaaoxaha xagjirka ah. Wuxuu Gudoomiyihu jeediyey hanjabaad uu dul dhigay Wariyaasha Puntland.

Gudoomiyaha ayaa sheegey inuu haysto liis magacyada wariyaal ku qoran yihiin, taas oo fasirkeedu yahay hadalada ay inta badan ku hanjabaan kooxaha argagixisada, shuuciyiinta iyo kaligood taliyayaasha.

Hanjabaada iyo cajajuglayta Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ayaa imaanaya xilli aysan saxaafada Puntland u kala harin ka hor imaanshiyaha xeerkii sharci darada ahaa ee ay labo maalin ka hor qalinka ku duugeen Baarlamanka uu hogaaminayo Gudoomiyaha maanta u hanjabay Wariyaasha Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowladda Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ka codsaday xukuumada in liiska uu hayo ee ka kooban wariyayaasha ay talaabo ka qaadaan. Waa yaabe ma saanuu noqday baarlamaankii shacabka reer Puntland ka filayeen in uu la xisaabtamo xukuumada Dr Gaas.

Halkan ka dhagayso hadalka Gudoomiyaha.

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *