Sawirro: Wasiirka Maaliyadda XFS oo xarigga ka jaray xarumaha Canshuuraha qaar ka mid ah Degmooyinka Gobalka Banaadir

08 Dec 2019 (Puntlandes) Waxaa maanta la daah-furay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kaddib xarumahii canshuuraha degmooyinka Hawl wadaag iyo Hodan ee Gobolka Banaadir oo dib loo dhisay.

Xarumahaan oo dhawaan si casri ah loo dhisay oo laguu tallagalay hawlaha canshuur aruurinta ayaa waxaa si ramsi ah xarigga uga jaray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadal ka jeediyay munaasabadda xariga looga jaray Seddexdaan xarumood ayaa sheegay in ay maanta sharaf u tahay in uu xarigga ka jaro xafiisyada canshuuraha degmooyinka Gobolka Banaadir ee Hawl wadaag, Hodan iyo Wadajir.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in ilaa 5 xarumood oo canshuur ah lagu dhisayo wajiga Koowaad, kuwaas oo qaarkood maanta la furay halka kuwa kalana dhismahooda uu gabo-gabo yahay.

“ Maanta labo xarumood ayaan xariga ka jarnay,  Shantaan xarumood waxaa wehliya machad loogu tala galay in lagu barto canshuuraha, maamul wanaaga iyo maamulka Maaliyadeed oo aan isna dhawaan xariga ka jari doono”. Ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in lacagaha lagu dhisay xarumaha maanta xariga laga jaray iyo kuwa dhismuhu ku socdo uu bixiyay Bangiga Horumarinta Afrika (Africa Development Bank), sidoo kalana Wasiirku waxa uu xusay in Bangigu balan qaaday in
ay kuwa kalena lacagtooda keeni doonaan si dowladda uga caawiyaan dhismahooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo isna muunasabadda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanahay in maanta xarigga laga jaro xarumihii canshuuraha ee degmooyinka Gobolka Banaadir burburkii kaddib.

“ Dhab ahaan kaabayaashii dowladda oo dib u soo noolaanaaya waxa ay natusinaysaa soo noolaasho buuxda oo xaga dowladnimada ah. Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda si gaar ah ayaan uga mahadcelinayaa dadadaalka iyo dardarta ay wadaan oo ay dib ugu soo noolaynayaan kaalinta uga aadan
qaranimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Dhaqaalaha ku baxay dib u dhiska Xurumahan  oo gaaraya ilaa 7 xarumood oo loogu talagalay casnhuuraha ayaa waxaa bixiyey Bangiga Hormarinta Afrika (Africa Development Bank) oo Dowladda Soomaaliya ka cawinaya sidii loo xoojin lahaa, ilaha dhaqaalaha dalka iyo aqoonta howlwadeenada ka shaqeeya.

Ugu danbeyn Wasiirka maaliyaddu waxa uu xusay in xariga ay ka jari doonaan xaruntii turuba-taariyada ( hoggaanka illaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha) oo iyaduna ku burburtay qaraxyo dhowrjeer ka ag ka dhacay.


Puntlandes.com

About The Author