Tirada ciidanka Itoobiya ee Soomaaliya oo la shaaciyey

09 Dec 2019 (Puntlandes) Safiirka Itoobiya u fadhiya magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, Meles Alem ayaa shaaciyey tirada ciidamadooda ee ku jira howlgalka nabad ilaalinta ururka Midowga Africa ee ka socda gudaha Soomaaliya.

Meles oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Star ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha Soomaaliya ay tiradoodu u dhexeso 9,000 illaa 15,000 oo Askari, kuwaas oo dagaal kula jira Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadaasi ay ka mid yihiin qeybaha saddexaad iyo afaraad ee AMISOM, kuwaas oo ka howlgala koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo Galguduud.

Waxaa kale uu intaasi ku daray in muhiimadooda koowaad ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab oo qatar ku ah guud ahaan gobolka, sida uu hadalka u dhigay.

Danjiraha ayaa sheegay in intii u dhexeysay 2013 illaa 2017 ay Itoobiya ka dhaceen  46 kiis oo la xiriirta argagixisanimo ayna ku dhinteen 361 qof kuna dhaawacmeen 160 qof oo kale, halka Kenya isla xilligaas ka dhaceen 373 weerar argagixiso oo ay ku dhinteen 929 qof kuna dhaawacmeen 1,149 qof iyada oo sidoo kale la afduubtay 666 qof.

Kenya oo sidoo kale qeyb ka ah dagaalka Al-Shabaab ayaaa waxaa lagu qiyaasaa ciidamada ka jooga Soomaaliya 2,500 ilaa 4000 oo Askari,waxaana ay qaabilsan yihiin gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya, sida Jubbada Hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo oo dhammaan hoostaga maamulka Jubbaland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo ay haatan jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo aan qeyb ka aheyn AMISOM oo jooga dalka, kuwaasoo si sharci darro ah ku soo galay Soomaaliya.

Wuxuu warkaan ka soo baxay danjiraha Itoobiya ee Kenya uu sidoo kale imaanayaa, iyadoo hadda labadaasi dal ay dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo ka wadaan gobolka Gedo.

Puntlandes.com

About The Author