GUDIGA DALLADA PEDAN OO LA DHAMAYSTIRAY

Guddigga Cusub ee Dalladda Pedan 2019-2021


Pedan elected Board members 2019-2021.

Shirweynihii 4aad ee dallada qurba-joogta Puntland ee lagu qabtay Magaalada Aarhus ee wadanka Denmark ayaa waxaa lagu doortay 7 xubnood oo ay ka kooban tahay gudiga fulinta PEDAN.

Sida sharciga dallada PEDAN qabo waxaa jira 4 xubnood oo aqoon yahano lagu daro gudiga Fulinta 7+4=11 xubnood ayaa laga rabaa gudiga.

Maanta ayaa gudigii lasoo dhamaystiray waxayna ka kooban yihiin 11 xubnood.

Dalladan PEDAN waxay u taagan tahay horumarinta shacabka kasoo jeeda Puntland ee ku nool dalalka Yurub iyo dalka gudihiisaba gaar ahaan iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

Hore looma arag jaaliyad Soomaaliyeed ama ururo Somaaliyeed sida dallada PEDAN oo hal dallad kumidoobay,isugu geeyay aqoontoodii iyo dhaqaalahoodii hal hogaana yeeshay iyo xafiis qudha oo taladooda lagamaamulo.dhankan jaaliyada puntland waxaan oran karaa waxay la mid yihiin sida jaaliyadaha gaamuray ee wadamda galbeedka mudo kudhaqnaa,sida Hindida iyo Yuhuuda oo kale oo leh hal xafiis oo laga maamulo sida dantooda guud ay u ilaashadaan.

Gudoomiyaha PEDAN Cabdifataax Janagale iyo ragiisu aqoon yahanada ahi iyo gabdhaha aqoon yahanada ahi waxay dad koodii u horseedeen,midnimo iyo wada jir iyo iskaashi buuxa. hadaba tanaa keentay in jaaliyada puntland ee galbeedku u muuqato sida dayaxa, hade cad ceed soo baxday far laguma qarinkaro.waxaa laga yaqaan jaaliyada puntland ee wadamada yurub oo hal dallad ku midaysan xarunta wayn ee looga arimiyo midawga yurub waana la aqoon sanyahay si buuxda.

Iskama imaan wanaagani ee rag iyo gabdho ayaa shiilay maxkaxdoodaa oo ka soo maaxiyay hormarkaa muuqda,sumcada iyo sharafkaba,ogoow hadaba Gudoomiye Janagale waa laf dhabarta hormarkaan.waa nin dagan masuul ah siyaasi ah aqoon yahan ah leh hal abuur iyo hanaan hogaamineed oo buuxa.waa nin jecel hada iyo jeerna ka hadla danta guud ee soomaalinimo iyo hormarka puntland.waa ninka Maamulka puntland ay u wakiilatay wadanka Finland.

Midawga Yurub ayaa sanad walka ka bixiya qarashaka Shirarka ay dalladu qabsato.

About The Author