Xildhinaabada golaha Shacabka oo u codeeyey Sharciga Maamulka iyo Maareynta Maaliyadda(PFM) & kan shirkadaha

25 Dec 2019 (Puntlandes) Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan,waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye kuxigeenka guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen.

Sidoo kale Xildhibaanadda golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare,waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay.

Wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga ganacsiga,warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa Sidoo kale Xildhibaanadda uga mahad celiyay sida ay ugu codeeyeen sharcigan.

Dhanka kale guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay inaysan lLabada Aqal ee Baarlamaanka Federaalku dhankooda siyaasadeyn shuruucda Dalka Muhiimka u ah gaar ahaan kuwa kaabaya qorshaha deyn cafinta Dalka maadaamaa ay dalka muhiim u yihiin.

Puntlandes.com

 

About The Author