Labada Aqal ee Baarlamaanka oo si wadajir ah ugu codeyn doona sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Federaal

25 Dec 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan ayaa kullankuu golaha ee maanta ka sheegay in maadaamaa waqtiga uu aad u yar yahay looga baahanyahay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal in ay xooga saaraan ka hor dhamaadka bishan December in sharcigan la ansixiyo.

Gudoomiye Mursal ayaa caddeeyey in sharciga sharciga Doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal ay si wadajir ah ugu codeyn doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Maanta ayaa loo qaybiyey Xildhibaanada golaha Sahacabka Sharciga Qaran ee Doorashooyinka Heer Federaal

 

 

About The Author