Xildhibaanada HirShabelle oo gacanta ku haya Mooshin ka dhan ah madaxweyne Waare

26 Dec 2019 (Puntlandes) Mooshin ka dhan ah madaxweynaha HirShabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi gacanta ku hayaan, iyadoo ay saxiixeen 40 mudane oo ka tirsan Baarlamaanka.

Madaxweyne Waare ayaa lagu eedaynayaa in maamulkiisu uu yahay mid gudan waayay waajibkii saarnaa, sidoo kalana gabi ahaan wax ka qaban waayay amaanka, horumarka iyo dagaalka looga soo horjeedo Alshabaab.

Lama oga tallaabada xigta oo ay qaadi doonaan xubnaha wada mooshinkaan, balse waxaa la ogyahay inuu socdo abaabulka, sidoo kalana xubin ka tirsan Baarlamaanka oo taageero weyn u ah xukuumadda hadda ayaa la hadlay saxaafadda.

Aadan Kaladire wuxuu aaminsan yahay in qaar ka mid ah xildhibaanada ay wadaan mooshin aan wakhtigaan loo baahneyn, kaas oo keeni kara buuq siyaasadeed.

Sida la ogyahay dhamaadkii 2017 ayey aheyd markii madaxweyne Waare loo dhiibay xilka madaxtinimo ee dowlad goboleedka HirShabelle, waxaana jirta in lagu guuldareystay dhawr mooshin oo laga gudbiyay.

Puntlandes.com

About The Author