Sawirro: Madaxweyne Muse Bixi & Gudoomiyeyaasha Xisbiyada mucaardaka oo kulan ka yeeshay fulinta heshiiskii (muuqaal)

26 Dec 2019 (Puntlandes) Madaxweynaha  Somaliland Muuse Biixi oo uu wehelinaayo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa kulankii labaad maanta madaxtooyada Somaliland kula qaatay gudoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Markii kulankaasi laga soo baxayna wax saxaafada la hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Waddani waxayna si wadajir ah u sheegeen in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyey loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.




Puntlandes.com

About The Author