Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ansixiyay Sharciga Doorashooyinka heer Federaal

28 Dec 2019 (Puntlandes) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ansixiyay sharciga doorashooyinka Qaranka ee heer Federaal, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ay ka doodayeen.

Sharcigan oo maanta la marsiiyay akhrinta 3aad ayay Xildhibaannada si weyn uga doodeen qodobka 53aad ee sharciga oo dhigaya haddii duruufi amni, xaalado aafooyin dhacaan iyo arrimo farsamo doorashada dib ugu dhacdo in lix bilood muddo kororsi ay dhici doonto.

Qodobkan ayaa ahaa mid si weyn Xildhibaannada uga soo horjeedeen, waxaana ay soo jeediyeen in laga saaro qodobkan gebi ahaantiisa.

Fadhiga Xildhibaannada ay maanta yeesheen ayaa waxay ugu dambeyn ku ansixiyeen illaa 171 Xildhinaan, halka 5 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamustay 2 Xildhibaan.

Tani ayaa waxay ka dhigan tahay in Xildhibaannada ay si buuxda u meel mariyeen sharcigii ay dib u eegista ku sameeyeen Guddigii Baarlamaanka u saaray waxaana nidaamkan sharcigan uu yahay nidaamka aqbaliyadda badan, waxaana meesha ka baxay sharcigii Madaxtooyada gadaal ka riixeysay ee ahaa Mataaladda dheelitiran ee Liiska xiran oo ah hal deegaan doorasho.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu wadaa in loo gudbiyo sharcigan loo gudbiyo, si loo ansixiyo.

Puntlandes.com

About The Author