Sawirro: Wasiir dhabancad oo booqday Galdogob kana hadlay dhisida golaha deegaanka, kana hadlay Degmada Bursaalax (muuqaal)

28 Dec 2019 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa kormeer shaqo ku Tagey Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinayey Wasiirka Howlaha Guud ee Dowladda Puntland Axmed Bashiir Cirro, iyo xildhibaan Cabdiweli indho-Ceel oo kamid ah Golaha Baarlamaanka Puntland.

Wasiir Dhabancad iyo Waftiga uu hogaaminayey ayaa shirar kale duwan layeeshay odayaasha, Waxgaradka,Madaxda Degmada Galdogob iyo qeybaha Kale Duwan ee bulshada Degmada.

Ujeedka shirka ayaa ku saabsanaa, Arrimaha Hormarinta Degmada, Dardar gelinta Bixinta Canshuuraha, wacyi galin ku saabsan Dhismaha Golaha deegaanka Degmada Galdogob, wadda shaqeynta Bulshadda iyo Dowladda iyo adkeynta Iyo Xoojinta Nabadda Degmada iyo Deegaanada hoosyimaada Galdogob.

Dhanka kale wasiir Dhabancad mar kale ku celiyey oo caddeeyey in aan la isku dhisayn degmada Bursaalax iyo degmada Galdogob, isagoo sheegay inay yihiin labo degmo oo kala madaxbanaan oo midkasta goonideeda loogu dhisayo goleheeda deegaanka.

Ugu danbeyntii shirka ayaa ku soo dhamaaday jawi dagan iyaddoona laisla qaatay waqtiga lagu dhisi lahaa Gollaha deegaanka Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.



Puntlandes.com

About The Author