Swairro: Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Shalay oo Dalka Turkiga loo qaaday.

29 Dec 2019 (Puntlandes) Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka kicitintay diyaarad milatari oo ay inoo soo dirtay dowlada aan walaalaha nahay ee Turkiga, waxa ayna diyaaradan qaaday qaar kamid ah  dadkii ku dhaawacmay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho.

Diyaaradaan ayaa qaaday 16-ruux oo qaba dhaawacyo culus oo u baahan isbitaalo ka casrisan kuwa Magaalada Muqdisho si looga soo daweeyo dalka Turkiga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sii sagootiyay dhaawacyada  laga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, Waxa uuna Madaxweyne Farmaajo Alle uga baryay Dhaawacyadaas in Cafimaad taam ah ay helaan.

Dhaawacyadda la qaaday ayaa waxaa wehliyo Dhakaatiir u dhashay dalka Turkiga oo kula sii tacaali doono Gudaha Diyaaradda inta ay ka gaarayaan Dalka Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa noqotay Dowladdii ugu horeysay ee si deg deg ah ugu soo gurmatay Dowladda Iyo shacabka Soomaaliyeed iyadoo sidaan oo kale horay u sameysay.


Puntlandes.com

About The Author