Sawirro: Dhismaha Garoonka cusub ee Gaalkacyo oo bilaabanaya

29 Dec 2019 (Puntlandes) Shir looga xaajoonayo dhismaha garoonka cusub ee Gaalkacyo,ayaa saakay qabsoomay magaalada, waxaana kasoo qayb galay oo lagu casuumay badan 100 qof ka badan oo labeentii Mudug ah oo ay ugu horeeyaan Isimadii gobolka, Siisiyiintii, waxgaradkii, aqoonyahankii. Ganacsaadii, dhanka dawladda Puntland waxaa kasoo qaybgalay shirka wasiirka Arimaha gudaha, wasiirka Duulista Hawada iyo wasiirka Hawlaha Guud, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda Duulista.

Shirkan waxaa soo abaabulay siyaasiyiinta Gobolka iyo Waxgarad gobolka Mudug, waxaana ujeedada kullanku ahaa in lagu saaro carqabada hortaagnaa dhismaha Garoonka si shaqadii loo bilaabo.

Dhanka Isimada waxaa kullanka kasoo qaybgalay dhamaan Isimada gobolka marka laga reebo Isinka guud ee gobolka Islaan Bashiir oo xanuunsaday, laakiin 100% raali ka ah.

Dhamaan  dadkii kullanka ka hadlay dawlad, Isimo iyo qaybaha kaleba waxay isku raaceen inay qalad wayn ahayd in Garoonka qayb badan oo lacagtiisa ka mid ahayd ay dawladu bixisay uu xanibnaado oo aan la bilaabin dhismahiisa, waan la isku canaantay la isugu garaabay.

Waxaa kullanka la isku raacay oo hoosta laga xariiqay in Garoonkaas laga shaqaysiiyo oo dhismihiisa la bilaabo, ul iyo diirkeedna laga noqdo ama loo midoobo cidii carqabad ku noqotana hal meel looga soo wada jeesto.

Waxaa lagu balamay in shaqada dhismaha Garoonka loo  bilaabo sida ugu dhaqsaha badan, si wadajir ahna looga gudbo wixii carqabad ah.

Waxaa arintan u istaagay soona abaabulay kullanka guddi isu xilqaamay ka miro dhalinta bilaabashada dhismaha Garoonka, iyadoo lagu ayiday lalana qaatay.


Puntlandes.com

About The Author