Sawirro: Guddoomiye Mursal iyo Madasha Xisbiyada oo xalay kulmay

31 Dec 2019 (Puntlandes) Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa xalay hoygiisa waxaa uu casho sharaf ugu sameeyay Hoggaanka iyo Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Kulankan ayaa ahaa kii u horeeyay ee dhex maray Guddoomiye Mursal iyo Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaaminayaan Madaxweynayaashii hore.

Labada dhinac ayaa uga hadlay xaalada dalka, iyo sida loo wajahayo ee ugu habboon ka guul-gaaridda caqabadaha siyaasadeed ee jira.

Madasha Xisbiyada qaran ayaa Guddoomiye Mursal la wadaagay cabashadooda la xiriira qodobkii muddo kororsiga ee ku jiray sharciga doorashooyinka, waxaana ay Guddoomiye Mursal uu u xaqiijiyay in qodobkaas meesha laga saarayo.

Ugu dambeyn Kulanka ayaa la isku afgartay inay si wadajir ah u wadashaqeeyaan, iyadoo ay muuqato in Madasha Xisbiyada Qaran iyo Guddoonka Baarlamaanka inuu ka dhex bilowday xiriir cusub oo siyaasadeed.



Puntlandes.com

About The Author