Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Mooshin ku saabsan Maqaamka Muqdisho

31 Dec 2019 (Puntlandes) Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa qabtay mooshin soo jeedin ah oo ku saabsan Maqaamka Caasimadda Soomaaliay ee Muqdisho.

In ka badan 100 Xildhibaan ayaa saxiixay mooshinkan soo jeedinta ah, waxaana horkacayay Xildhibaan C/qaadir Cosoble oo muddooyinkii u dambeeyay u ololeynayay sidii Muqdisho u heli lahayd maqaamkeeda iyo maamul ay dadku soo doortaan.

Dooda mooshinkan oo ah mid ka hor dhacday waqtigeedii ayey filayaan dadka u ololaynaya in maalmaha soo socoda ay bilaabato doodiisu, iyadoo marka doodda la soo gabagabeeyo ay sharci gaar ah ka soo saari doono labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa kullamadii siyaasadeed ee hore ay Soomaalidu ku heshiisay in maadaama ay markaas cuslay ka hadalkeedu dib loo dhigto oo mar kale ay siyaasiyiinta metala Soomaalidu miis intay isugu yimaadaan ku heshiiyaan maqaamka caasimadda kadibna lagu daro dastuurka ay ansixinayaan labada Aqal oo wada jira.

Ma ahayn wixii lagu heshiiyey in Mooshin Baarlamaan la geeyo kadibna Xildhibaano ku shaqeeya hunguri ay u codeeyaan, eeg sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka kumeelgaarka ah “Maqaamka magaalo-madaxda Federaalka Soomaaliya waxaa go’aan looga gaari doonaa dib-u-eegisdda Dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada Aqal ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya”

 

About The Author