Puntland oo maxkamad soo taagtay odayaal ku xirnaa Bosaso

01 Jan 2020 (Puntlandes) Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari, ayaa maanta u fariisatay gar-maqalka dacwad loo haysto shan oday oo dowladda Puntland ku xirtay magaalada Bosaao, kadib markii ay xukuumadda ku dhaliileen Heshiisyo Maalgeshi oo ay kula jirto shirkado laga leeyahay waddanka Imaaraadka Carabta.

Maxkamadda ayaa kadib markii ay dhegaysatay dacwadda Xeer ilaalinta oo odayaasha ku eedaysay kicin dadweyne iyo difaaca Qareennada u doodaya, waxay go’aamisay in mar kale kiiska loo fariisto maalinta Axadda ah ee todobaadka soo socda.

Sida ku qeexan dastuurka muwaadin looma xiri karo fikirkiisa, wuxuunna ku cabiri karaa hadal, qoraal, sugaan. Sidoo kale xabsi laguma hayn karo muwaadin muddo ka badan 72 saacadood xukun maxkamad la’aan.

 

Puntlandes.com

About The Author