Wasiirka arimaha gudaha Kulan isugu yeeray Odayaasha Dhaqanka degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel

01 Jan 2020 (Puntlandes) Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiirka Wasaardda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye uu kulan deg deg ah isugu yeeray Odayaasha  Dhaqanka ee kasoo jeeda degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Ujeedada kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in hoggaanka Ahlusunna lagala hadlo Xildhibaanada Ahlusunna soo xulatey sidii Odayaasha looga heli lahaa aqbalaad ama ansixin.

Qaar kamid ah Beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa kasoo horjeestay 20 Xildhibaan ee Ahlusunna la siiyey sida ay beelaha ugu qeybiyeen taas oo curyaamisey dhismaha Maamulka Galmudug.

30kii Bishii la soo dhaafay ee December 2019kii ayaa qorshuhu ahaa in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug, balse aan weli la xulin carqabado jiray, waxaana taasi ay dib u dhigeysaa xilliga ay dhici lahaayeen doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka,Madaxweynaha & kuxigeenkiisa.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli Ra’iisul Wasaaraha dawlada Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu xalay guriga uu ka dagan yahay magaalada Dhuusameeb ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug kulan kula qaatay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud.

Khayre iyo Macallin Maxamuud ayaa ka wada hadlay dardargelinta iyo dhameystirka dhismaha maamul loo dhanyahay oo ay Galmudug yeelato.

Sidoo kale waxaa la sheegay in kulanka looga hadlay in wax kabadal lagu sameeyo beelaha ay kasoo xuleen xubnaha xilibaanada kamid noqonaya golaha wakiillada Galmudug.

 

Puntlandes.com

About The Author