DFS oo la wareegtay mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsanaa Alshabaab

13 Jan 2020 (Puntlandes)  Cidiamada dawladdda Soomaaliya ayaa maanta qabsaday degaanka Tooratoorow oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, kaasoo ah mid ka mid ah deegaanadii ugu muhiimsan Alshabaab.

Ciidamadan degaanka qabsaday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin guutada Danab oo ay tababareen ciidamada Maraykanka.

Tooratoorow waxaa ku yaalla maxkamado Alshabaabku leeyihiin, waxaana sidoo kale deegaankan uu Alshabaab u yahay mid aad ugu muhiimsan.

Toddobaadkii hore ayey ahayd markii maleeshiyada Alshabaab ay weerar ay wado galeen ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dawladda oo marayey jidka Afgooye iyo Wanlaweyn, halkaasi oo uu ka dhacay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed.

Ciidanka dawladda ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen horjoogihii ugu sareeyay maxkamadda deegaankaas ee Alshabaab, iyagoo ciidamada weli ay wadaan howlgalkaas.

Puntlandes.com

About The Author