Sidee C/rashiid Janan uga baxsaday goobtii uu ku xirnaa?

28 Jan 2020 (Puntlandes) Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya sida uu C/rashiid Janan, oo ahaa Wasiirkii Amniga Jubbaland una xirna dawladda Federaalka, uga baxsaday goobtii uu ku xirnaa, iyadoo la sheegay in guri la geeyay maalmo ka hor uu ka baxsaday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in C/rashiid Janan arrimo caafimaad maalmo ka hor loo geeyay guri ku dhow Xarunta NISA, iyadoo laga saaray xabsigii uu ka xirnaa.

Sawir la helay ayaa muujinaya in Mr Janan uu daaqada ka baxsaday oo ay muuqatay siliga daaqada oo la gooyay.

Warar kale ayaa iyana sheegaya in saacado ka hor inta aanay Taliye kuxigeenka Booliska Jen. Zakiya shaacin uu baxsaday, waxaana aheyd mid layaab ah in xilliga la shaacinayay iyo baxsashadiisa ay saacado badan u dhaxeysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo shan bilood u xirnaa Wasiirkii Amniga Jubbaland, tan iyo markii garoonka Muqdisho laga qabtay 31 bishii Agosto hal mar kaliya ayaa Maxkamad la saaray, iyadoo su’aal ka taagneyd mudada uu xirnaa maxkamad la’aan.

Inkastoo C/rashiid Janan lagu eedeeyay dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, hadana xarigiisa waxaa uu ahaa mid siyaasadeed, kaddib dib u doorashadii Axmed Madoobe.

Si kastaba ha ahaatee baxsashada C/rashiid Janan ayaa waxay keeneysaa su’aal kala duwan sida Hey’addaha Ammaanka u sugi karaan amniga shaqsiyaad xabsi guri ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab sida Xasan Daahir Aweys oo muddo shan sano xabsi guri ah iyo Mukhtaar Roobow oo sanad ka hor xabsi guri la geliyay, kaddib markii laga soo qabtay Baydhabo xilligii doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed dhamaadkii sanadkii 2018.

Puntlandes.com

About The Author