Beesha Caalamka oo war ka soo saartay arrimaha doorashada Galmudug

28 Jan 2020 (Puntlandes) Beesha Caalamka oo war ka soo saartay xaaladihii ugu dambeeyay ee Galmudug ayaa waxay muujisay walaac laga qabo arrimihii u dambeeyay ee soo baxayay kadib bilo ay socdeen dadaalo lagu doonayo in lagu dhiso maamul mid ah oo loo dhan yahay.

“Dhammaan qeybaha kala duwan ee quseysa arrimaha Galmudug waa inay xoogga saaraan sidii loo muujin lahaa hab xasilooni ah oo loogaga fogaan karo qataraha keeni kara xasilooni darro,laguna dhameeyo wax walba ka qeybgal iyo tanaasul ay sameeyaan.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa xaqiijisay in dadaalo qiimo leh laga sameeyeey toddobadii bilood ee la soo dhaafay taasoo suurtogalisay heshiis laga gaaro sidii loo qeybsan lahaa kuraasta baarlamaanka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ay quseyso arrimaha Galmudug inay ku xaliyaan fikradaha kala duwan wadahadal waqti walba ha ku qaadatee.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha Caalamka ayaa ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqeen qeybaha ay quseyo doorashada Galmudug sida guddoonka baarlamanka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-Sunna Waljamaaca, saamileyda ku shirsan Gaalkacyo iyo wakiilada dowladda federaalka inay qaataan nidaam cad oo loo wada dhan yahay.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah ee qoraalkan soo saaray ayaa waxaa ka mid ah African Union Mission in Somalia (AMISOM), Denmark, Djibouti, European Union, Finland, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Italy, Kenya, Netherlands, Norway, Sudan, Sweden, Turkey United Kingdom, United Nations iyo United States.

Qoraalkan ayaa soo baxay kadib markii maanta ay ururka Ahlu Sunna kaga dhowaaqeen xildhibaano Baarlamaan iyadoo hore ururkaas ay u aqbaleen illaa labaatan xildhibaan inay ku yeeshaan Baarlamaanka Galmduug.

Puntlandes.com

About The Author