Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug oo baaq kale soo saaray

29 Jan 2020 (Puntlandes) Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug ee afarta ah ayaa soo saaray baaq cusub oo ku aadan doorashada Galmudug, kaddib markii xalay saqdii dhexe ay ku kulmeen magaalada Dhuusamareeb.

Musharaxiintan xulafada ah ee horay u diiday inay ka qeyb galaan doorashada Madaxweynaha ee uu wado Guddiga kala qeybsan ayaa waxay dalbadeen in muddo 15 cisho la joojiyo howlaha doorashooyinka ee ka socda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa waxay ugu baaqeen saamileyda siyaasadeed ee Galmudug in shir degdeg ah isugu yimaadaan si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada Galmudug, si loo dhiso Galmudug mideysan

Musharaxiintan ayaa ku baaqay in la tixgeliyo codsiyada saamileyda siyaasadeed ee Galmudug iyo Beesha Caalamka, waxaana ay baaq u direen Madaxda dowladda Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxay kaga dalbadeen dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Galmudug in khilaafkooda ku xaliyaan qaab wada hadal, haddii loo baahdo inuu waqti kale qaato, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.



Puntlandes.com

About The Author