Beesha Caalamka oo ku baaqday in la dhamaystiro Sharciga Doorashooyinka

28 Jan 2020 (Puntlandes) Wadamada iyo hay’adaha taageera dowlada federalka Soomaaliya ayaa sheegay inay taageerayaan sidii dalka Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho 2020/2021ka.

Hase yeeshee beesha Caalamka ayaa sheegtay in si loo qabto doorasho ay muhiim tahay in la dhamaystiro sharciyada doorashooyinka iyadoo muhiimada la saarayo heshiiskii dowlada federalka iyo qeybaha kala duwan ee siyaasada dalka ay gaareen bishii Oktoobar 2019.

Qoraal ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu sheegay in ay dhowaan kulamo isdabajoog ah la qaateen qeybaha muhiimka u ah qabashada doorashada sida guddiga madaxa banaan ee doorashooyinak qaran, Guddoomiyaasha golaha shacabka iyo Aqalka Sare,guddiga u qaabilsan Aqalka Sare dib u eegista sharciga doorashooyinka iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed oo madax ka ah guddiga amniga ee mas’uul ka ah ammaanka doorashooyinka.

“Qeybaha kala duwan waxaan isla soo qaadnay muhiimada helida xalka sharciyada aan weli lagu heshiin sida qeexida deegaan doorashooyinka,kuraasta aqalka sare,horumarinta sidii loo gaari lahaa hadafka ah qabashada doorasho qof iyo cod ah,xaqiijinta qoondada haweenka,wakiilada ay yeelanayaan Banaadir iyo Somaliland iyo guud ahaanba diyaarinta sidii loo howlgali lahaa.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa ugu baaqday golaha shacabka inuu hirgeliyo sharciga iyadoo aan dib loo dhigeyn si looga fogaado inay dhacdo xasilooni siyaasadeed.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay sii wadi doonaan taageerada farsamo ee ay siinayaan guddiga doorashooyinka qaran si iyadoo loo wada dhan yahay loogu diyaargaroobo arrimaha hortaagan sharciga qabyada.

“Iyadoo laga duulayo codsi ka yimid labada guddoomiye ee golaha shacabka iyo Aqalka Sare,Qaramada Midoobay waxa ay ku wareejiyeen dukuminti ay si wadajir ah u soo wada diyaareen Guddiga doorashooyinka Qaran faahfaahino la xiriiro fikrado tixgelin leh.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Baarlamaanka Soomaaliya inuu tixgelin siiyo fikradaha ay soo gudbiyeen ayna isku raacaan sharci la hirgelin karo kahor inta aysan fasax gelin.

Puntlandes.com

About The Author