Maxkamadda Ciidamada ee DFS oo xukun xabsi ah ku ridday mas’uul sare oo ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir

16 Feb 2020 (Puntlandes) Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun xabsi ah ku ridday mas’uul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banaadir oo lagu helay in uu horey uga tirsanaa Alshabaab.

Maxkamadda ayaa 5 sano oo xabsi ah ku ridday Agaasimaha Shaqadda Gobalka Banaadir, Nuur Cali Axmad (Mahad Alle) oo lagu helay in uu ka tirsanaa Alshababa, isla markaana uusan soo marin habka is diiwaan gelinta Dadka ka haray fikirka Alshabaab.

Mas’uulkan xukunka lagu riday ayaa laga soo dhex xiray xarunta gobolka Banaadir , waxaana xariggiisa yimid kadib qaraxii lagu dilay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng; Cabdiraxmaan Yariisow.

Laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ayay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq-dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambe lagu waayay.

Dhinaca kale Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dambi ku weysay Cabdulaahi Cabdi raxmaan Maxamed oo walaalo ahaayeen Basiira oo Agaasimo ka ahayd Gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay in qaraxii xarunta ka dhacay ay iyadu ka dambeeysay, iyadoo laamaha ammaanka dowlada Soomaaliya ay maxkamadda fartay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo maxkamadda ciidamada sii deysay kadib markii dambi lagu waayay.

Puntlandes.com

About The Author