Cali Ciid ”Waan la heshiinay Xaaf wuxuuna ka qeybgalayaa Caleemasaarka Madaxweyne Qoorqoor”

01 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Maamulkiisu ay la heshiiyeen Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle uuna ka soo qeybgali doono munaasabada caleemasaarka Madaxweyne Qoorqoor oo aan la shaacin xilliga ay dhacayso.

Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in qodobad ay ku heshiiyeen ay dhowaan shaacin doonaan.

Isagoo ka hadlayay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb ayuu sheegay Cali Ciid in ciidamadii Ahlu Sunna qeybtii ugu dambeysay ee ahaa kuwii dagaalka ka qeybgalay ay ku biiri doonaan ciidamada Galmudug.

Hase yeeshee Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaan ka hadlin xaalada hoggaamiyaashii Ahlu Sunna oo haatan ku sugan Dhuusamareeb.

Cali Daahir Ciid Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxaana uu shaaciyay in Xaaf iyo Madaxda Ahlu sunna ay isku afgarteen in ay ka qaybgalaan Caleemo saarka Madaxweynaha Galmudug.

Warkan laga soo xigtey Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa u muuqda mid haddii uu dhab yahay soo afjaraya mugdigii ku jirey inay shaqeyso Maamulka uu madaxda ka yahay Madaxweyne Qoor-qoor.

Puntlandes.com

About The Author