Guddi Baarlamaan oo loo magacaabay doorashada lagu muransanyahay ee Soomaaliya

01 Marso 2020 (Puntlandes) Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya ayaa magacaabay Guddiga diyaarinta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka Federaalka.

Guddiga la magacaabay oo ka kooban 17 xubnood ayaa laga soo kala xulay labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ka shaqeyn doonaan sid la sheegay xeerka degaameynta kuraasta, xeerka xaqiijinta qoondada haweenka, xeerka doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi (Soomaaliland) iyo xeerka xaquuqda matalaada gobolka Banaadir.

Guddigan la magacaabay ayaa xilka hayn doona sida la sheegay ilaa inta ay kasoo dhameystirayaan xilka loo idmaday.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa bishii la soo dhaafay February saxiixay sharciga doorashooyinka heer Federaal.

Sharciga doorashooyinka waxaa horey u diiday qaar kamid ah dowlad goboleedyada, kuwaas oo sheegay in aan wax wada-tashiya laga siin sharciga doorashooyinka dalka.

Hoos ka akhriso qoraal ka soo baxay Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:



Puntlandes.com

About The Author