Sawirro: Puntland oo Garowe ka furtay xarun lagu karantiilayo laguna dawaynayo ruuxa laga helo ama looga shakiyo caabuqa Covid-19

21 March, 2020: Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farax Xasan oo ay weheliyaan qaar ka mid ah guddi wasiiro ah oo madaxweynaha Puntland uxilsaaray inay ka wada shaqeeyaan Covid-19 ayaa maanta Garowe caasimada Puntland ka furay xarunta ugu weyn ee lagu karantiilayo laguna dawaynayo bukaanka laga helo.

Wasiirka ayaa waxa uu wasiirada ku soo wareejiyay qaybaha kala duwan ee ay xaruntu ka koobantahay, adeegyada loogu talagalay oo dhamaystiran iyo kooxda caafimaadka ee diyaarka ku ah sidii ay ugu adeegi lahaayeen bukaanada xaruntaan la dhigo.

Xaruntaan oo ay diyaarisay wasaaraddu ayaa waxaa la dhigay sariiro, waxaa sidoo kale yaala adeegyada loo baahnyahay oo dhan sida dawooyinka, Oxygineta.

Dr Jamac Farax Xasan xaflada furitaanka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay “inuu ku bogaadinayo wasiirada guddiga kula jira siday ugala shaqeeyeen wasaaradda hawlgalinta xarumahan oo kale iyo waxyaabaha loo baahnaa ka hortaga inuusan Puntland xanuunku soo gaarin,waxa uu sidoo sheegay in xaruntaan ay tahay tii labaad oo Garowe laga hirgaliyo iyadoo mid tan ka yar ay ku taalo garoonka diyaaradaha Gen.Mohamed Abshir.”

Wasiir Jamac ayaa xusay “xaruntaan oo ah mida ugu weyn inay dhamaan udhamaytiranyihiin adeegyada la doonayo in ruuxa bukaanka ah uu helo inta uu ku jiro,sidaan si la mid ahna dhawaan xarumo noocaan oo kale laga hirgalin doono magaalooyinka Galkacyo, Boosaaso, Galdogob, Baran, Buuhoodle iyo Falayryaale.”

Wasiirka ayaa “ku amaanay agaasimayaasha wasaaradda caafimaadka iyo dhamaan shaqaalaha caafimaadka shaqada baaxada leh ee ay bulshada uhayaan iyo sida ay ugu adeegaan waxaana uu faray in la doonayo in la sii labo jibaaro”

Ugu danbeyn wasiirka ayaa “bulshada reer Puntland kula dardaarmay inay qataan talooyin ay bixinayso wasaaradda iyo dhakhaatiirta caafimaadka si aan iskaga ilaalino in xanuunku ina soo gaaro.”

 


Puntlandes.com

About The Author