Wasiir Cawad “Soomaaliya waxay ka tahay dhex dhexaad khilaafka Itoobiya iyo Masar”

23 Marso 2020 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii u horeysay ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladaha Masar iyo Itoobiya ee ku aaddan muranka Wabiga Nile oo ay Itoobiya dooneyso biyo xireenka ay sameysatay inay albaabada u furto, taasoo ay ka biya diidan tahay Masar.

Wasiir Cawad oo wareysi siiyay Warbaahinta Daljir ee ka howlgasha deegaanada Puntland ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood.

“Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee Wabiga Nile Soomaaliya waxay ka taagan tahay dhex dhexaad, haddii loo baahdo Soomaaliya waxay ka gacan geysaneysaa xalka khilaafkaas loo heli lahaa, iyo isu soo dhowaanshaha, kaalinteeda waxa weeye dhex dhexaadnimo iyo suurta gelin in khilaafkaas soo afjarmo”ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in qaraarkii dhowaan Jaamacadda Carabta horgeysay Masar ay ka qaateen dhex dhexaad, isagoo beeniyay inay u codeeyeen qaraarkaas sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aankeena mar kasta wuxuu ahaa inaan Dhex dhexaad ahaano, kaasoo ku dhamaaday”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda si kooban uga jawaabay su’aal laga weydiiyay shirkii Jaamacadda Carabta ee qaraarkii Masar lagu horgeeyay oo wararr soo baxayay ay sheegayeen inay u codeeyeen oo Masar ay taageereen, isagoo beeniyay warkaas.

Inkastoo Wasiirka uu beeniyay in Soomaaliya u codeysay qaraarkii Masar horgeysay Jaamacadda Carabta ee mowqifkeeda wabiga Nile, haddana shirkii Jaamacadda Carabta waxaa Soomaaliya u fadhiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, kaasoo la sheegay inuu taageeray mowqifka Masar.

Khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya ee wabiga Nile ayaa ahaa mid saameyn ku yeeshay dalalka Geeska Afrika, iyadoo Masar ay bilowday olole diblomaasiyadeed oo ay taageero ugu raadineyso mowqifkeeda wabiga Nile ee ay Itoobiya ka sameysatay biyo xireenka.

Puntlandes.com

About The Author