Akhriso DFS oo qararaar ay taageertay ka dabatagtay kadib caddaadid Itoobiya saartay

23 Marso 2020 (Puntlandes) Dowladda Soomaaliya ayaa ka daba-tagtay oo diiday qaraarkii ay horay u taageertay ee Jaamacadda Carabta, kaasoo lagu cambaareynayay dowladda Itoobiya qorshaheeda ku saabsan biyo xireenka Wabiga Niil.

Shirkii Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta ku yeesheen magaalada Qaahira 4-ta bisha March 2020 ayaa Soomaaliya u codeysay oo taageertay qaraarka ay soo direysay dowladda Masar.

Inta badan xubnaha Jaamacadda Carabta ayaa u codeeyay qaraarkaas oo taageeray, balse dowladda Sudan ayaa ka gaabsatay qaraarkaas, iyada oo qeyb ka aheyd wada hadaladii Washington ku dhex maray iyada, Masar iyo Itoobiya, isla markaana uu Mareykanka dhex dhexaadiye ka ahaa.

Dowladda Itoobiya ayaa ka carootay tallaabadaas, waxaana taasi keentay in warqad u soo dirto Soomaaliya, si ay sharaxaad uga bixiso arrinta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa caddeeyay in Jabuuti iyo Soomaaliya ku lug lahaayeen gudbinta qaraarka, balse aanay aaminsaneyn in qaraarkaasi kaalin wanaagsan ka ciyaari karo inuu nabadgelyo u horseedo gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa 18-kii bishan socdaal hal maalin ah ku tagay Addis Ababa, isagoo farriin uu ka siday Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, waxaana farriintaas la rumeysan yahay inay aheyd mowqifka Soomaaliya ka qaadatay khilaafka Masar iyo Itoobiya oo ah dhex dhexaad.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii dambe ka daba-tagtay oo qoraal u dirtay Jaamacadda Carabta, iyadoo ku cadeysay inay ka gaabsatay qaraarkaas, kaddib cadaadis uga yimid Itoobiya, sida ka muuqata qoraalka Ergada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta oo la qoray.

Shirkii Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta waxaa Soomaaliya u matalayay oo fadhiyay Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda C/qaadir Axmed-khayr, waxaa la sheegay inuu u taageeray qaraarkaas.

Puntlandes.com

About The Author