Yuusuf Garaad oo la kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Geele Xaaf

24 Marso 2020 (Puntlandes)Yuusuf Garaad Cumar Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya Ahna Guddoomaha gudigga qaban-qaabada xaflada caleema-saarka Madaxweynaha Galmudug o Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa gaaray Magaalada Gaalkacayo. Yusuf Garaad ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Geele Xaaf.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in madaxweyne Xaaf ay ka wada-hadleen Arimo badan oo ay ugu muhiimsanayd tan Galmudug, iyo mustaqbalka deeganadaan.

Yuusuf Garaad oo qoraalkaan kooban bartiisa Facebook kusoo qoray ayaa ku yiri “Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka”

Madaxweynaha Galmudug ayaa mudooyinkii danbe waday dadaalo uu dib isugu keenayo dhinacyadda ku kala aragti duwayd doorashadii Galmudug, Dhawaana waxaa magaalada Dhuusa-maree gaaray xildhibaano ka tirsan DFS oo ka biyo-diidsanaaa Hanaankii loo wajahay doorashadii Glamudug.

Puntlandes.com

About The Author