Madasha oo war ka soo saaray isku day Ciidamo hubeysan ku hareereeyeen Hoyga Sheekh Shariif

24 Marso 2020 (Puntlandes) Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war saxaafadeed ka soo saaray isku day weerar gaadmo ah oo qorsheysan ay ciidamo hubeysan ku hareereeyeen Hoyga Guddoomiyaha Madasha iyo xarunta Madasha oo ku taal xaafada Buulo Xuubey ee degmada Wadajir.

War saxaafadeedka Madasha ayaa lagu sheegay habeenadii isku xigay ee taariikhda aheyd 22 iyo 23 March ay jireen isku daygaas ciidamada ku hareereeyeen hoyga Sheekh Shariif, waxaana ay sheegeen inay xadgudub ku tahay xurmada Madaxweynuhii hore isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hannaanka dowladnimada.

War saxaafadeedka Madasha ayaa ku soo aaday saacad kaddib markii Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale uu beeniyay wararka sheegaya in Ciidamo la dul dhigay Hoyga Sheekh Shariif, isla markaana wararkaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona laheyn.

Akhriso war saxaafadeedka Madasha.

Puntlandes.com

About The Author