RW Kheyre oo caafimaad u rajeeyay Nuur Cadde oo la xanuunsanaya caabuqa Coronavirus

26 Marso 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa ku xanuunasanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg hah siiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka  Nuur Xasan Xuseen “Nuur cadde” oo ku xanuunsan magaalada London ee cariga Ingiriiska.

Ra’iisul wasaaraha ayaa bartiisa ku qoray “Waxaan Alle ka baryayaa inuu caafimaad degdeg ah siiyo Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka, mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku xanuunsanaya London. Waxaan khadka teleefanka kula hadlay qoyskiisa aniga oo gaarsiiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin”.

Nuur Cadde oo 83 sano jir ah ayaa sanadihii 2007 iyo 2009 ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG dowladdii Madaxweynihii hore AUN C/llaahi Yuusuf Axmed.

Puntlandes.com

 

About The Author