Sawirro: Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo maanta qalabka looga hortago Covid-19 kala wareegtay DFS.

27 Marso 2020 (Puntlandes) Waxaa maanta garowe soo gaaray qalab caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga Covid 19,qalabkaan oo DFS ay ku wareejiyay wasaaradda caafimaadka Puntland.

DFS ayaa qalabkaan waxaa soo gaarsiiyay maalqabeenka udhashay dalka Shinaha ee leh Shirkada Ali Baba,dawladuna waxay sheegtay inay uqaybinayso dawladaha xubnaha ka ah DFS.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Abdinaasir Yusuf Hajji oo ay waheliyaan agaasimayaasha ayaa maanta kala wareegay madaxa xafiiska WFP oo diyaaradeeda ay qalabka siday.

Qalabkaan aya ka koobnaa 16 kartoon oo ah qalabka ka hortaga Covid-19.

Wasiirka wasaaradda Dr Jamac Farax Xasan oo magalaada muqdisho jooga ayaa saaka subaxnimadii wasaaradda caafimaadkaga DFS kala wareegay qalabkaan kuna soo sagootiyay garoonka Adan Abdulle Cismaan.

 


Puntlandes.com

About The Author