Sawirro: Ciidamada Dowlada Hoose ee Gaalkacyo oo Burburisay Sandaqo si sharci dara ah looga dhisay hareeraha Wadada Suuqa Xera dayax

29 Marso 2020 (Puntlandes) Ciidamada Dowlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa waxa ay saakay Burburiyeen Sandaqo badan oo si sharci dara ah looga dhisay hareeraha Wadada laamiga ah ee dhaxmarta Suuqa weyn ee Xera dayax kuwaas oo keenay Caariiri badan iyo in ay xiranto wadadaasi.

Duqa Degmada Gaakacyo Saahid Maxamuud Cali oo komeer ku tagay halka ay ka soctay Shaqada ayaa waxa uu soo indha indheeyay sida ay shaqada u socoto waxana uu halkaasi kula kulamay qaarkamid ah Gaacsatada oo Cabsho u soo gudbiyay .

Saahid Maxmud Cali Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa waxa uu u Balanqaaday Ganacsatada in sida ugu dhaqsiyaha badana uu wax uga qaban doono Cabshadooda waxa uuna u balan qaday In Dowlada Hoose ay dajin doonto goobo munaasab ah ay ku Ganacsadaan.


Puntlandes.com

About The Author