Jubaland oo ku eedaysay DFS inay fursad u samaynayso Alshabaab

29 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo waraysi gaar ah siinayay Warbaahinta ayaa si faahfaahsan u sharaxay xaalada guud ee Jubaland, khilaafka u dhaxeeyay DFS iyo Jubaland, la dagaalanka Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa sheegay in khilaafka labada dhinac ay fursad ka heshay Alshabaab oo ku sii fidaysa degaanno ka tirsan gobolka Gedo maadaaama ciidamadii Alshabaab la diriri lahaa ay dhexdooda Colaad ka abuurtay DFS sida uu hadalka uu dhigay.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa yiri “ Gobolka Gedo Degmada iskaba dhaaf xitaa tuulooyinka kuma aysansugneen Alshabaab, balse maanta waxa ay joogaan Degmooyin ay Ceel Cade kamid tahay oo ay ku tababartaan dhalinyarada ku biireysa, taasi waa natiijada ka dhalatay faragelinta Dowladda”

Maxamuud Sayid Aaadan waxa uu xusay in dowlad goboleedka Jubaland aysan gacanta ku hayn degmooyinka gobolkaas Gedo balse ay xoog kula wareegtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta iyo kala furfurka ay ku waddo dowlad goboleedka Jubaland si aan fursad kale loo siin Al-shabaab.

Puntlandes.com

About The Author