Qarax ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartmaha magaalada Garowe

29 Marso 2020 (Puntlandes) Gaariga gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir oo marayey afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garowe ayaa qof ismiidaamiyey qarxay, kadibna qiic iyo uuro ayaa cirka isku shareertay.

Qaraxa kadib waxaay inta badan magaalada Garowe laga maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada Booliska Puntland, iyadoo la xiray aagii qaraxu ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay gudaha  Garowe, ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir, oo uu weheliyay Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli).

Gudoomiiyaha iyo Taliyihii hore ee Qeybta ayaa qaraxa waxaa kasoo gaaray dhaawac waxaana lagu dabiibayaa Cisbitaalka Garowe.

Puntlandes.com

About The Author