Qaad fara badan oo si sharci darro ku soo galay Bosaso oo la Gubay

31 Marso 2020 (Puntlandes) Taliska Qeybta Booliska, Maamulka Degmada Bosaso iyo Maamulka Gobolka Bari ayaa xalay goob fagaare ah ku gubay Qaad fara badan oo si sharci darro ah loo soo geliyay gudaha Bosaso.

Taliyaha Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay in dowladda ay mamnuucay keenista qaadka Sidaas darteed ay u howlgaleen dhaqan gelinta amarkaas, si looga hortago faafida cudurka Coronavirus.

Qaadka ayaa la sheegay in si qarsoodi ah gaadiid lagu soo geliyay, isagoo la soo marsiiyay deegaano kala duwan oo gudaha Puntland illaa deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Taliska Ciidamada iyo Maamulka Dawlada ayaa u digay cidkasta oo lagu qabto iyagoo iibinaya qaad, waxay sheegeen in laga qaadi doono talaaabo sharcga waafaqsan.

Puntlandes.com

About The Author