Daawo Video: Cali Caraale “Madaxweyne Waare Xilka igama qaadi karo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waa aniga”

31 Marso 2020 (Puntlandes) Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale ayaa ka soo horjeestay xil ka qaadistii uu ku sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, isagoo ku tilmaamay nin qol ku xiran oo maskaxiyan aan xor aheyn.

Mr Caraale ayaa sheegay in xil ka qaadista lagu sameeyay ay tahay mid sharci darro ah, maadaama waqtigiisa uu dhamaaday Madaxweynaha.

“Xil ka qaadista waa mid aan sharci aheyn, qofna xil looma dhiibi karo qofna lagama qaadi karo, waayo doorasho ayaa loo socdaa, lix bilood qof muddo xileedkiisa u dhiman xil igama qaadi karo”ayuu yiri Cali Caraale.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweyne Waare in uusan laheyn awood uu waxku fuliyo, waqtigiisa ka dhamaaday, isla markaana uu nin fashilmay oo qol ku xiran uu yahay oo hadba wuxuu rabo sameeya.

“Waare waa nin aan isku kalsooneyn, madaxda wax bed-bedesha waa madax aan isku kalsooneyn, mar kasta wuu qalqalaa marka uu qof keeno, xasiloonida ayaa ka luntay, waa nin qol ku xiran waxba ka ogeyn waxa socda.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tiro afar jeer is bedel ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, waxaana Maamulka Gobolka noqday maamul aan xasilooni laheyn oo lixdii bil mar is bedel lagu sameeyo Guddoonkiisa.


Puntlandes.com

About The Author