Sawirro: Ciidamada Amaanka Degmada Gaalkacyo oo fulinaya Amarkii Dowlada Puntland ay ku mamnuucday Qaadka

31 Marso 2020 (Puntlandes) Ciidamada Amaanka Degmada Gaalkacyo oo fulinaya Amarkii Dowlada Puntland ay ku mamnuucday Qaadka ayaa waxa ay Caawa Howgal ku soo qabteen Qaad si qarsoodi ah lagu soo galinayay Magaalada Gaalkacyo waxaana lagu Gubay Gudaha Saldhiga Qaybta Booliska Gobalka Mudug.

Waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu Gubay Qaadka Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Gobalka Mudug Xasan Waardheere Iyo qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Amaanka Gobalka Mudug .

Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali ayaa waxa uu sheegay in Ciidamada ay ka jawaabeen Amarkii Dowlada ay ku mamnuucday Qaadka waxa uuna sheegay in lagu gubi doono meel kasto oo lagu arko qaad, Qofkasta oo lagu qabtana la xirdoono.

Taliyaha Howgalinta Ciidamada Amaanka Gobalka Mudug ayaa waxa uu dhankiisa sheegay in Ciidamada ay guteen wajabkii Saarnaa iyagoona Fulinaya Amarka Dowlada .

Gudoomiyaha ku Xigeenka koowaad ee Gobalka Xasan Wardheera ayaa waxa uu mahadceliyay Gaanacsatdii Keeni jirtay Qaadka ee qaatay Amarkii Dowlada waxa uuna u digay kuwa kale ee ka dhaga adeegaya Amarka Dowlada ay ku joojisay Qaadka .

 

About The Author