Doorashada Itoobiya oo dib loogu dhigey sababo la xiriira cudurka Coronavirus

31 Marso 2020 (Puntlandes) Guddiga Doorashada Qaran ee dalka Itoobiya ayaa ku dhowaaqay in uu joojinayo howlihii u diyaargarowga qabashada doorashada Itoobiya oo la qorsheynayay inay dhacdo bisha August ee sanadkan.


Dowlada iyo Ururada Mucaaradka ayaa soo dhoweeyay warkan ka soo baxay guddiga doorashada, iyadoo xilliga dowlada hadda haysa taladana ay ka dhiman tahay dhowr bilood.

Hase yeeshee waxaa la qorsheynayaa in baarlamaanka uu muddo kordhin u sameeyo dowlada uu madaxda ka yahay Abiy Ahmed, lamana yaqaan goorta ay dhacayso doorashada Itoobiya.

Puntlandes.com

About The Author