Sawirro: DFS oo Gargaar loogu talagalay dadkii daadadka Qardho saameeyeen ka soo dejisay Garowe (muuqaal)

4g

01 May 2020 (Puntlandes) Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan Dowlada Fadaraalka oo waday Gargaarka Qardho ayaa waxay kala ahaayeen Wasiirka Qorsheenta Jamaal, wasiirka Kaluumaysiga Bidhaan, wasiir ku xigeenka Gargaarka, wasiir Dowladaha wasaarada Maaliyada, Xildhibaan Cumar ismaaciil Waabari.

Wafdiga ayaa waday sadex diyaaradood oo ay saarnaayeen Teendhooyin, maacuun iyo agab kale waxayna si toos ah ugu gudbeen magalaada Qardho oo auy dhawaan daadad ku soo fateheen.

Wasiir Jamaal oo ku hadlay magaca wafdiga ayaa sheegay inay darsi Doonaan dhibaatada daadadkii ka dhashay Magaalada Qardho inta ay la egtahay waxa ayna kulan la Qaadanayaan Madaxda Puntalnd ee ku hoowlan samata bixinta dadka ay aafadaan heleeshay



Puntlandes.com

About The Author