Daawo Video: DFS “qof kasta oo dhinta waxaan u aqoonsan doonaa inuu dilay Covid-19”

4g4

01 May 2020 (Puntlandes) Wasiirka wasaaradda warfaafinta DFS Maxamed Cabdi Maxamed Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey cudurka faafa ee Covid-19 ayaa sheegay in xukuumadiisu qof kasta oo dhinta u aqoonsan tahay inuu dilay Covid-19 xataa haddii uu u dhinto Malariyo.

Ugu horayntii wasiirka oo la dhacsan Madasha Xisbiyada Qaran oo joojiyey shirweynahoodii ayaa amaan kala dul dhacay madaxda Madasha.

Wasiir Maareeye ayaa yiri “Wuxuu dhahayaa qofka Malaariyo ayaa i heyso, Cagaarshow buu u dhintay dowladda Soomaaliya qof-kasta oo dhinta maanta waxay aqoonsan tahay inuu dilay Coronavirus, maadaana uu yahay majority -ga ugu badan.”


Puntlandes.com

About The Author