Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland oo iska casilay xilkaasi.
05 May 2020 (Puntlandes) Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, G/Sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf ayaa maanta oo Talaado ah shaaciyay in uu iska casilay xilkaasi.
Qoraal kooban oo uu la wadaagay Xafiiska Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayuu ku sheegay in uu iska casilay Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin arrimaha keenay iscasilaaddiisa.
“Anigoo ah G/sare Barkhad Abdillahi yusuf taliyaha ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland waxaan kudhawaaqayaa Maanta oo tarikhdu tahay 5/5/2020 inan iskacasilay xilkii ahaa taliyaha cidanka madaxtoyada Puntland” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
G/sare Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, ayaa xilka Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Puntland loo magacaabay, 2-dii bishii Maarso ee sannadkii tegay ee 2019, waxaana uu xafiiska joogay mudda sannad iyo afar bilood ah.
Puntlandes.com